Dhusamareeb | QOL | 19 February, 2018–Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Qaar ka mid ah Xildhubaanada Galmudug ayaa Maanta gaaray Deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Deegaanada uu madaxa Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xildhibaanada ay gaareen waxaa ka mid ah Laas-xaadow, Hulku-jir, Baag Mayeeraan iyo Balli-howd,waxaana ujeedka socdaalkooda uu yahay nabadeynta dadka deegaanadaasi ku nool.
Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo la leh Qeybaha Bulshada Deegaanka Balli-howd waxyaabaha laga wada hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Sidii looga shaqayn lahaa Nabad-galyada, Horumarinta iyo sidii Dadku Maamulka ula shaqayn lahaayeen .
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dawlad Goboleedka Galmudug waxay dadaalo ugu jereen sidii Dib u heshiisiin looga Hirgalin lahaa Deegaanada Galmudug.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dhusamareeb
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________