2370 Views

Dhagayso:+-Shir Xasaasi ah Oo Ka Furmaya Magalada Kisamaayo

Dhagayso:+-Shir  Xasaasi ah Oo Ka Furmaya Magalada Kisamaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 —Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Shirkaan oo hadda qabanqaabadiisa ay ka socota Magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb gali doona xubno ka socda maamul goboleedyadda, dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedyadda Jubbaland Cabdirashadiid Xasan Nuur Janan ayaa sheegay in Shirkaan waxyaabaha diiradda lagu saari doono ay ka mid yihiin wada shaqeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM iyo hagaajinta Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale shirkaasi looga hadli doona sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Jubbaland ay diyaar garowday soo dhawweynta Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirkaasi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment