Muqdisho | QOL | February 6 2018 – Waaxda howlaha farsamada ee Dowladda Hoose Xamar ayaa bilaabay dayactir ay ku Sameynayaan Kontorolada laga Soo galo Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Si loo xaqiijo Amniga Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Agaasime ku Xigeenka Waaxda howlaha farsamada dowladda hoose Mudane Bashiir Shuumbe Shuute oo ka Hadlay dayactirkan lagu Sameynayo kontoroolada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sameeyo koontaroolada maadama ay tahay in laxaqiijiyo Amniga Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah ayaa horay u amray dhismaha Koontarooladaan si loo adkeeyo amniga Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________