2778 Views

Gudoomihii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Dalka Ka dhoofay.

Gudoomihii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Dalka Ka dhoofay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6 2018 —-Taabid Cabdi Maxamed Gudoomihii hore ee Gobolka Banaadir Sidoo kalana ahay Duqa Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sa gootiyay xubno ka tirsan dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah bulshada rayid ah.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa xilka laga qaaday bishii hore ee sanadkaan waxaana uu xilka gudoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdishaba uu hayay mudo ku dhaw hal sano.

Gudoomihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaa in uu xilkiisa ku waayay raadinta Maqaamka Muqdisho, taas oo ay isku khilaafeen isaga iyo Reysul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment