Muqdisho | QOL | 29 Jan, 2018 –Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya ayaa la filayaa in Maanta lagu soo Gunaanado Shirka Madaxda Midowga Africa oo u dhaxeeyo qaarka mida Madaxweyneyaasha Wadamada Africa waxaana shirkii 30-aad ee Madaxda Africa ay yeeshaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirka ka qeyb galay ayaa shalay Qudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto dib u soo ka basho.
Madaxweynaha Wadanka kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirkaasi qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Alshabab uu u baahan yahay dhaqaale.
Madaxda Midowga Africa ayaa la filayaa in ay isku raacaan qaabkii loo maareyn lahaa dadka Afrikaanta ah ee ku dhimanayo badaha u dhexeeya Africa iyo Yurub.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________