2157 Views

Michael Keating iyo xubno ka socday Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb

Michael Keating iyo xubno ka socday Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Dhusamareeb | QOL | January 18, 2018 – Wafdi uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Micheal Keating oo ay wehliyeen Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Munaasabaddan ayaa waxay dhabaha u xaari doontaa, sidii Galmudug ay saldhigan laheyd magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaalada.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment