Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah ah.
Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebook-ga ayaa waxa uu sheegay In Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira howlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________