10914 Views

QABYAALADU WAA QARAN DUMIS

QABYAALADU WAA QARAN DUMIS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 27/12/2017 – Qabyakaladu waa arriin  dulmi iyo boob ku dhisan oo aan  Eebbe ka raali ahayn maxaa yeelay dumigu waa mudigyo oo qofkii duligaasi geysta na Ilaahay ka abaal mari doono, wax walba oo xaqdaro lagu dhisana waxay noqdaan  ciribtiisa dambe ku dambeyn doontaa burbur ,inta afka soomaaliyeed ku hadasha intooda badan waxaa  isaga qaldan qabiilka iyo qabyaadadu, waa ay fiicnaan lahayd in la fahmo waxa ay u kala duwan yihiin, qabiilku waxaa inooga filin  inta Naska Quraanka Kariimka Eebbe noogu sheegay oo ah in aan isku garano oo kaliya  taasoo haddii aan hoose ugu dego qabiilku waa astaan la isku garto oo  ay isku bahaystaan dad wada dhalasho  dhiig iyo abtirsiinyo ay ka dhaxeyso, ama kuwa degaan kulmiyey  waana arin wanaagsan haddii loo adeegsado lana raaco wadada toosaan ee Diinkeena muqadas ka ah ku xusan in loo adeegsado dhanka wanaaga laga na fogaado qabiilku in loo adeegsado dhinaca qabyaalad iyo wax alla wixii xumaata ah.

Qabyaaladu waa cudur ka mid ah cuduradda ku dhaca nafsadda,waxaana cudurkaasi uu ka yimaada ama sabab u ah  xasadnimadda , xiqdiga , eex iyo qaraabo kiilba qabiil xambarsan, qofkii cudurkaasi uu asiiba na wuxuu dareemayaa kalsooni daro iyo walwal maxaa yeelay waa qof aan isku kalsooneen. Cudurkaani qabyaaladu  waa ficil xun kana soo jeeda asal ahaan shaydaankii  weynaa Ibleys  ee  aabbaheyn Nabbi Adam iyo hooyadeyn Hawa ka soo saaray jannada xasadnimo darteed, waxaana arrinkaasi ku xambaaray kibir iyo islaweyni oo anaaniyada ku dhisan,kolkuu lahaa aniga ayaa ka kheyr badan  nabbi Adam cs.  Waayo  nabbi Adam cs dhoobo ciid ah  ayaa laga abuuray,aniga oo  ibleys ah na waxaa la iga abuuray dab, ficilkaasi xun qof alla qofkii maanta ku dhaqma wuxuu jahanama saaxiib kula  noqon doonaa  ibleys , taasi waxay noo caddeyneysaa oo  Ilaahay  nooga digay in Ibleys iyo caruurtiisa aan iska ilaalino oo aan ka fogaano ficiladda aan Eebbe raali ka ahayn uu ka mid yahay qabyaaladu.

Qabyaalddu waa qaran dumis waxayna ka soo hor jeeda guud ah horumarka bulshadda oo idil sida waxbarashadda, nabad galyadda, cadaaladda , midnimada, sinaanta, iyo  daryeelka dawladnimo, sidaasi darteed waxaa haboon in qabyaaladu laga fogaaddo isla markaasi na  la badiyo wacygelinta dadweyna oo looga digaayo xumaatadda ay leedahay qabyaaladdu, marka waxaa cad shakina uusan ku jirin in cudurka qaybyaaladu uu yahay dilaayaasha midkooda ugu qatarsan halis na ku ah burburka qaranimo, xanuunkaasi calaamadaha lagu garto waa ay fara badan yihiin waxaana ka mid ah oo ugu weyn waa xaasidnimo, jahilnimo, islaweyni, naceeb, musuqmaasuq, cadaawad, been, shaxaad, ma shaqayste iyo kalsooni daro iwm. Runtii qabyaaladu waxaa adeegsadda qof aan damiir iyo dadnimo toona lahayn isla markaasi na diintana ka fog , imaan na uusan ba lahayn waa qof daneysta ah oo  mar walba  danahiis gaar ah qabiilka ku oor kacsadda, kuwaa soo idil aan kor ku soo xusnay waxay ka mid yihiin calaamadaha qofka aan isku kalsooneen oo adeegsadda qabyaaladdu.

Haddaba cudurkaan dilaaga ah side looga samata bixi karaa ?  Runtii waxaa looga samata bixi karaa inta gacanta lagu qabto diinta islamka ah iyo sunadda nabigeena scw oo qofkii labadaasi qabsadda uusan ka lumeynin wadada toosan, waxaana looga hor tagi karaa cudunka qaybaaladu in iimaankeena aan xoojino iyo cabsida Ilaahay aan badino isla markaasi na aan ka fogaano xaasidnimadda iyo islaweynida arrinkaa soo badda naa qofka ku xambarta inuu adeegsado qabyaaladda.

Sida la wada ogyahay haddii dadku diintooda xaniifka ah ku dhaqmaan waxaa dhab ah inay ka baxaan in ay ka fogaadaan xumatadda qabyaaladu ay leedahay, Nabigena subanaa naxriis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato wuxuu yiri ,“Na ga mid ma ah nin dagaalamay oo qaraabo kiil ku dagaalamay isla markaasi na nag a ma mid ah nin nin qarabo kiil ku dhinta ” sidaasi darteed waxaan kula dardaarmi lahaa dadka samaha jecel in ka fogaadaan qabyaaladu maxaa  qabyaaladu waa shey aad u fool xun ee  iska daaya.

Waxaa is weydiin muddan soomaalidu sidee ay u arkaan ama u aaminsan yhiin qabiilka ??, Shaqsi ahaan waxaan leeyahay soomaali weyn badan koodii ilaa in yar ilaahay xaq tusiyey mooyee, bulshada soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in dadka ay kala sareeyaan arriinkaasi  waa been iyo buhtaan oo aan diinta islaamka sal iyo raad mid na aan ku lahayn, maxaa yeelay waxaa ugu karaamo badan ilaahay xagiisi kan idin kuugu cibaado badan kaasi ayaa na ilaahay xagiisi  sharafka iyo karaama ba  ku leh, Nabbigeena suubanaa swc wuxuu yiri , “qofkii uu camalkiisu dib u dhigaa aysan qabiilkiisu ama heybtiisu hormarineyn“. Qaar kale oo bulsha weynta soomaaliyeed  ka mid ah qabiilku waxay u arkaan in noolasha ba ay ku xiran tahay qabiil, la’aantiisa na aan la noolan Karin oo aan laga maarmi Karin , wax walba ay ka hormariyaa , isla markaasi na wax walba ay ku saleeyaan qaab qabiil sida guura iwm. waana arrin fool xun oo aan diinta waafaqsaneyn.

Taasi waxaa tusaale cad ah noogu filan maamulka dawladdimo ee maanta dalka ka jira lagu dhisay ama halbeen looga dhigay qaab qabiil oo qaacido ahaan loogu saldhigay 4.5, qaabkaasi oo ah dulmi iyo cadaalad daro hase yeeshee dad fara badan ayaa ku faraxsan  dulmigaasi maxaa yeelay waxay rabaan in ay xaq daro ku qaataan wax aysan lahayn, sidaasi darteed waxaan leeyahay kuwa maanta shacabka soomaaliyeed ay u wakiisheen laba gole  ee barlamaanka soomaaliyeed in ay ka gudbaan qaabkii qabiil ee lagu soo doortay oo ay u gudbaan qaranimo maxaa yeelay waxaa lagu aaminay masuuliyad weyn oo berito ilaahay kula xisaabtami doono, maamulka dawladda na waxaan leeyahay xilka aad ummadda  u haysaan in si cadaalad iyo sinaan ugu qaybisaan oo aad ka baxaan  qaab dhismeedku halbeegiisu yahay 4.5  dulmi oo ay cunsuriyad ku dheehan tahay ah waana arrin meel ka  dhac ah oo loo geystay dad sharaf iyo haybad ba ku leh bushada soomaaliyeed dhexdeeda.

Qaacidada ah 4.5  ahna  qabyaalad qabiil xambarsan  waxaa asal ahaan halbeegaasi soo shac baxay shirkii dib heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu qabtay magaaladda  Carte – Djabouti , shirkaasi heshiiskii ka soo baxayna uu noqday sida tan “Xaq ma rabno ee xal baan rabnaa”, waa laba arriin aan meel wada gelin oo laga yaaq-yaqsado oo caqliga saliimka ah na uusan oggolaan Karin, runtii haddii xal la rabo waa in cadaalad iyo sinaan la helaa  oo ay ummadda sinaanto , ka dib  ayaa xalkii dhabta ah la gaari karaa oo ay soomaali dhibaatadda uga bixi kartaa, laakiinse inta dulmi iyo cadaalad daro ay jiraan marna lama filaayo in laga baxo dhibaatadda maanta dalka ku habsatay, la mana filaayo in la helo nabadgalyo taam ah iyo horumar, hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in aqoon-yahaanadda soomaaliyeed  oo indhaha u ahaa shacabka soomaaliyeed ay shirkii Carte ee dalka Djaibouti lagu qabtay ay isku raaceen baaqaasi dulmiga iyo joor falka ku dhisan iyaga oo fiirsanaya danahooda gaar ah si ay u gaaran masab iyo darajo aysan xaq u lahayn.

Waxaan leeyaha ilaahow kuwa xaqa arka naga dhig ilaahow  kuwa dulmiga ka fog naga dhig waxaana ku soo gabagabey gabaygii Abwaan mararxuum Cabdullahi Suldaan Tima Cadde “Dugsi ma leh qabyaaladu wax ay dumiso mooyaanee” waxaan u rajeynaynaa maamulka dawladnnimo ee maanta dalka ka jira inuu ilaahay waafajiyo wadada toosan oo lagu gaari karo horumar iyo nabadgalyo taam ah.

.

a-ali-bolayDr. Abdulkadir Ali Bolay

bollay@hotmail.com

______________________________________

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment