Muqdisho | QOL | December 16 ,2017 —In ka badan 70 qof oo Shacab ah oo dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay duqeyn ay shalay dowladda Sucuudiga ay ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.
TV-ga Al-Masirah ee Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn ku dileen degmada Mawza ee galbeedka gobolka Ta’izz ku dhawaad 15 qof oo Shacab ah.
Warbaahinta iyo ilaha ammaanka ayaa sidoo kale kusoo warramay in Jimcaha in Weerar dhanka Cirka ah ay ku nafwaayeen 28 qof oo ku noolaa xeebaha galbeed ee Yemen.
Suuq ku yaalla gobolka Sacda ayaa sidoo kale , waxaa ka dhacday Duqeyn , waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof.
Dhamman duqeymahaan waxa ay dhaceen maalintii shalay aheyd gelinkii dambe ee Jimcaha.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xoojisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana ay beegsanayaan goobaha dadweynaha.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________