Muqdisho | QOL | December 14 ,2017 —Safaarada Mareykanka ee Magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa carabbowday inay ka walaacsan tahay khalalaasaha gacan ka hadalka ee u dhaxeeya Soomaalida iyo kuwa Oramada ee dega Ethiopia.
Bayaan kasoo baxay safaarada waxaa loogu baaqay in labada qoomiyadood ay ku wada noolaadan xal deganaashiyo nabadeed lana ilaaliyo ammaanka iyo midnimada.
Masuuliyiinta dalka Ethiopia ayaa waqti hore sheegay in 18 qof oo ay ku jiraan ardey jaamacadaha waxkabarata ay ku dhinteen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Oromada ee u dhaxeeya Soomaalida iyo qoomiyada Oramada.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________