Muqdisho | QOL | December 4, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Wakiilo, Safiiro ka socda Beesha Caalamka, Saraakiil ciidan oo ka tirsan Midowga Yurub iyo Mareykanka.
Shirkan ayaa ka socda Hool ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa shirka diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga Soomaaliya, wixii ka qabsoomay shirkii London ee dhacay bishii May ee sanadkan, dib u habeynta ciidamada, sidii Ciidamada amniga Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in ammaanka kala wareegaan AMISOM iyo arrimo kale.
Madaxda iyo Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galaya ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan shirka, kuwaasoo intooda badan lagu lafa gurayo arrimaha ammaanka iyo taageerida Ciidamada Amniga Soomaaliya.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________