2466 Views

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | 27 November 2017 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow.

IMG_6449

Safarkan shaqo ee qaadan doona muddo isbuuc ah ayaa daaran in Wasaaradda ay la tashi la sameeyso jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika iyo sidoo kale in wax laga ogaado qibradda dalka Koonfur Afrika ee ku aaddan arrimaha Dastuurka.

IMG_6451

Wasiir Cabdi Xoosh oo Muuqaal Baahiyaha Qaranka Soomaaliya la
hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Safiir Jamaal Barrow iyo shaqaalaha Safaaradda ay u soo dhaweeyeen, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Geedi-socdoka dib-u-eegista Dastuurka la qaadan doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, safarkan ayaa waxa uu biloow u yahay safaro ay Wasaaradda ku kala bixin doonto wadamo dhawr ah si dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay aragtidooda ugu darsadaan dib-u-eegista Dastuurka.

Xafiiska Qaranimo Online – Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment