Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in uu soo magacaabo gole Wasiiro oo aysan ku jirin xildhibaano.
Kulamo kala duwan oo xalay ilaa iyo shalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa looga hadlay sidii ay u aqbali lahaayeen xildhibaanada in laga reebo Wasiiradda uu soo magacaabayo Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa qaatay go’aan ah Wasiiradda cusub uusan kusoo darin wax xildhibaano ah, islamarkaana uu wada gaarsiiyo dadka Hirshabeelle maamulka.
Arintaasi ayaa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana warar qaar ay sheegayaan in ugu dambeyntii lagu qanciyay in ay wasiiradda ka haraan.
Xildhibaan Maxamed Cadow oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay in la xaliyay inta badan Khilaafkii taagnaa.
Halkan Ka Dhagayso
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________