2973 Views

Madaxweyne Robert Mugabe oo diiday in talada Dalka Wareejiyo.

Madaxweyne Robert Mugabe oo diiday in talada Dalka Wareejiyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–Tan iyo markii afgembiga uu ka dhacay Dalka Zimbabwe waxaa walaac laga muujinaya mustaqbalka dalkaasi oo weli uu jahwareer ka taagan yahay.

Bulshada  reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska casilo.

Balse madaxweynaha Dalkaasi Roberta Mogabe ayaa Warar soo baxay  sheegayay in  uu ka biyo diiday inuu xukunka wareejiyo,taasi oo aan la saadaalin Karin halka ay u biyo shuban doonto

Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo ay Dowladiisu dhexdhexaadinayso Milatariga dalka afganbiyay iyo Robert Mugabe ayaa sheegay inaysan muuqan xal deg deg ah oo laga gaaro xaaladda Zimbabwe.

Dhanka kale hoggaamiayah mucaaradka adlkaasi Moran Tvangraye ayaa ugu baaqay madaxweyen Mogabe in uu xilka wareejiyo,six al looga gaaromushkiladaha kataagan dalkaasi.

Dadka odoroosa arrimaha siyaasadda dalkaasi ayaa tilmaamaya in hogaamiyahan oo 93 jir ah ee Mogabe uu ugu dambeyn xilka ka degi doono maadaama uu yahay qof da’ah,balse uu doonayo qura in xaaskiisa Grace Mogabe uu u meel deyayo.

Milatariga Zimbabwe ayaa talada dalka la wareegay Talaadadi, waxana ay u muuqataa in ay soo afjarayaan ku dhawaad 40 sano oo uu dalkaasi xakumayay madaxweyne Robert Mugabe oo hadda ah 93 jir.

 

Xigasho SONNA 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment