Muqdisho | QOL | November 17, 2017–-DailyMail oo soo xiganeysa saraakiil sar sare oo ka tirsan Boqortooyada Dalka Sacuudiga ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacuudiga, Boqor Salmaan uu qorsheynayo in Talada Dalka uu ku wareejiyo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo 32 jir ah.
Arrintan ayaa u muuqata in ay tahay talaabadii ugu dambeysay ee awooda gacanta loogu gelinayo Amiir Maxamed oo 32 jir ah waxaana Amiirkan uu horaantii bishan xirey illaa afartan Amiir iyo Wasiiro isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Boqor Salman uu ahaan doono boqor la qadariyo oo maamula oo kaliya Labada Xaram ee Barakaysan iyadoo guud ahaan talada Boqortoyada gacanta loo gelinayo Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________