Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Maryan Qaasim Axmed Wasiirkii Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaasi.
Maryan Qaasim oo si kooban ula hadashay Goobjoogtv ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku sheegtay inay iska casishay xilkaasi.
Waxa ay sheegtay sababaha ay isku casishay in ay tahay barbaar yaac ka jira Xukuumada dhexdeeda.
Waxa ay tilmaamtay in aysan ku noqon doonin Mucaarad dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay la shaqeyn doonto.
Maryan Qaasim ayaa lagu tilmaamaa in ay mid tahay dadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay ka wada tirsan yihiin hal xisbi.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________