Muqdisho | QOL | 12 November 2017 –Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Ciidamada dowladda iyo Saaxibo Caalami ah inay bur buriyeen xarumo Shabaabka ku lahaayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dh
War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu beeniyay warka uu baahiyay wasiirka wasaarada warfaafinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay been abuur lagu qarinayo guuldarooyin ciidamada dowladda ka soo gaaray dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka,sida ay hadalka u dhigeen Al_shabaab.
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa waxaa uu beeniyay in wax weerar ah uu ka dhacay degmada jilib ee gobalka jubbada dhexe.
“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.
C/raxmaan Yariisow Wasiirka Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa hadal uu ku soo qoray bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in howl gal ay qaadeen ciidamada dowladda ay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobalka jubada dhexe.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________