Muqdisho | QOL | 16 October 2017 – Olole nadaafadeed ayaa ka bilowday goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay ee Isgoyska Zoobe, iyadoo dhalinyaro fara badan oo is xilqaamay ay ka qeyb qaadanayaan nadaafada.
Dhalinyarada ayaa nadiifinayay wadada iyo bur burka, waxaana tani ay xambaarsaneyd dareen muujinaya isku duubni.
Waxaa goobta qaraxa ka dhacay aheyd meel aad u doorsoontay, isla markaana ay yaalaan haraadiga hilbaha dadkii ku dhintay, dhismayaasha bur buray iyo agabyo kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi maxamed ayaa ku ammaanay dhalinyarada is xilqaankooda iyo gurmadka ay u sameeyeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii.
Maalmihii u dambeeyay ayay dhalinyarada Muqdisho ahaayeen kuwo si isku mid ah ugu gurmaday dadkii ku waxyeeloobay, waxaana ay u shubeen dhiig.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________