Muqdisho | QOL | 08 Oktoobar, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.
Gaas oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wayn Garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland.
Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in Shir uu kaga furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Dowladda dhexe shirkaasi dareen ay ka qabto.
Waxaa Kismaayo ku sugan Dhammaan Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________