Muqdiaho | QOL | October 03, 2017 — Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Ganacsade lagu magacaabo Axmed Cismaan Geelle,kaas oo uu fadhigiisu yahay magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.
Djiboutitimes, ayaa qortay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo Ganacsadaha,kaas oo markii hore doonayay in uu Dubai ka baxo islamarkaana tago dalka Jabuuti.
Lataliyayaashiisa ayaa ku wargeliyay in haddii uu Jabuuti tago Xabsiga la dhigayo,waxaana ay taas sababtay in uu safarkiisii u beddelo dhinaca Magaalada Hargeysa,halkaas oo uu hadda ku suganyhay.
Dowladda Jabuuti iyo Ganacsadahan ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in ay la xiriirto mashaariic dowladda ay dooneysay in ay faa’ido ka sameyso oo uu isaga qaatay inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin.
Axmed Cismaan Geelle oo hadda ku sugan Hargeysa ayaa Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo jabuuti waxaa ku howllan dhex dhexaadintiisa Odayaasha Hargeysa oo doonaya in khilaafka Ganacsadaha iyo dowladda Jabuuti hoos loo dhigo.
.
Isha: Djiboutitimes.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________