Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho xilli ay Dalkeenna uu xubin buuxda ka noqday hay”adda Dalxiiska Q. M,13 Bishan.
Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay mas’uulayiin ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliyaha Hay’adda iyo ururrada dalxiiiska dalka iyo fananniinta Kooxda Banaadir.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gar gaaar Cilmi Cumar Ciise ayaa bogaadiyay dadaalka dheer ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.
Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmayay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.
Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka ku biiritaanka hey’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________