Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Maamulka Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya inay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, kaddib qoraal la been abuuray oo lagu faafiyay braha bulshada, taasoo ay ka muuqatay sumadda Galmudug iyo saxiixa Madaxweyne Xaaf.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay warqadaas, isla markaana aysan jirin warqad ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo ku aadan in xiriirka loo jaray dowladda.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in baaritaan lagu haayo dadka caadeystay inay waraaqaha been abuurka soo dhigaan baraha bulshada.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________