![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
Muqdisho | QOL | September 19, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Shalay ka Dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb geli doona Shirka Golaha Guud Ee QM oo Maanta ka Furmi doona Magaalada New-York ee Dalka Mareykanka.
Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedin doona Shirka,waxaana uu Qudbaddiisa uu diiradda ku saari doonaa Ammaanka,la Dagaalanka Al-shabaab, dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidii loo Maalgashan lahaa Dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanaya Colaad Mudo dheer uu ku jiray.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Shirka Golaha Guud ee QM ka horsheegi doona waxii u qabsoomay Mudadii Koobneyd ee Xukumaddiisa ay jirtay.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________Advertisement
_____________________________________________________________________________________![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2019/06/horseedsc.jpg)