Muqdisho | QOL | September 18, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay rabshado dad badan ay ku dhinteen oo gudaha Itoobiya ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Cusmaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa marka hore tacsi u diray Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi in ka badan laba bilood ka socday xuduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa shacabka Somaliland ku baraarujiyay inaan wax dhibaato ah aanan loo geysan dadka Oromada ah ee ku nool degaanada maamulka Somaliland, maadaama uu sheegay in ay yihiin dad magangalyo u jooga Somaliland.
Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska in looga baahan yahay inay soo qabtaan oo sharciga ay hor geeyaan hadii ay arkaan dad dhibaato u geysanaya Oromada ku nool degaanada Somaliland
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________