Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne, maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Inaa Lillaahi, Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana qoyskii marxuumka, maamulka idaacada Codka Hiiraan iyo TV-ga Jubbaland iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo Muqdisho ku geeriyooday isagoo isbitaal ugu jirey dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn 10kii September 2017.”
Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal naftooda u hura dalkooda, marwalbana ku shaqeeya daruufo aad u adag, waxeyna naga wada mudan yihiin inaan u wada istaagno taageeradooda iyo sidii aan u kobcin laheyn tayadooda, xirfadooda iyo aqoontooda si ay u sii labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________