Muqdisho | QOL | September 3, 2017 –Dowladda Soomaaliya ayaa Amar la mid ah midkii lagu soo rogay Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in marka ay doonayaan in ay warbaahinta la hadlaan in ay ogolaansho kasoo qaataan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kusoo rogtay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray Madaxda & Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda in aysan la hadlin warbaahinta ogolaansho la’aan.
Warqadda ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in Safiiradda ay Ogolaansho ka qaataan Wasaaradda Arrimaha dibadda marka ay hadlayaan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________