Mogadishu | QOL | August 27, 2017 – wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Dalka Ruwaanda uga qeyb galay shir looga hadlayo hormarinta Cadaaladda iyo Xiriirka ka dhaxeeyo Garsoorka Wadamadda Afrika.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Shirka uu uga Qeyb galayo dalka Ruwanda uu qiimo weyn ugu fadhiyo guud ahaan dalalka afrika isagoo xusay in uu Soomaaliya Ahmiyad gaar ah u sii leeyahay isla markaana uu horseedi karo tayeynta Hay’addaha garsoorka ee Dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in inta uu joogay Dalka Ruwanda ay la kulmeen Qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Madaxda Hay’addaha Garsoorka ee dalalka Afrika waxaana uu sheegay in kala hadleen sidii loo hormarin lahaa Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________