Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay weerar ku qaadeen.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay Weerar qorsheysan in ay kusoo qaadeen Fariisinka Ciidamada dowladda ee Duleedka Degmada Mahadaay.
inta la xaqiijiyay Weerarkaasi waxaa u ku dhintay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Saacaddo kooban ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowladda ayaa si weyn iskaga caabiyay dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Weerarka kusoo qaaday.
Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxa ay ku qaadaan degaanada ku jira gacanta Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________