Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka soo baxday ee doonaayo in ay ku biiraan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed
Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno katirsan wasiirada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi,iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay Imtixaankaasi.
Waxaa uu sheegay Xasan Cali Kheyre in ay guul tahay in maanta arday Soomaaliyeed in ay imtixaan ay u fariistaan Jaamacad lacag la’aan ah oo dowladda ay leedahay.
Mas’uuliyiinta Jaamacadda Umadda ayuu kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u saxaan imtixaankaasi.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________