Muqdisho | QOL | 16 August 2017 – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka daiyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishoa ku soo dhoweeyay Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka iyo howlwadeennada golaha shacabka.
Dhagayso
Gudoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka qeyb galay kulan gaar ah oo ay wada yeesheen gudoomiyaasha baarlamaanada waddamada Geeska Afirka oo ku saabsanaa sidii iskaashi u dhex mari lahaa baarlamaannada dalalkaasi.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah gudoomiyayaasha baarlamaannada dalal dhowr oo ay ka mid yihiin Kenya , Uganda, Suudaan iyo Rwanda.
Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika oo ah shir sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa siyaasadda guud ee sharci dejinta dalalka Afrika iyo arrimaha horumarinta .
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________