Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Shirkii billlaha ahaa ee hay’adaha garsoorka oo lagu qabtey xarunta maxkamadda Sare waxaana ka soo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Garyaqaanka guud ee dowlada iyo Saraakiil ka socotey booliska.
Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana shirka looga hadley dardargelinta qodobada soo socda:
- In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.
- Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.
- Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________