Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay meel dhow gobolka Banaadir,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay dhacday Subaxnimadii Khamiista aheyd , waxaana ay beegsadeen hoggaamiye Sare oo Al-Shabaab oo ka tirsan.
“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.
Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________