Kenya | QOL | August 09, 2017 Madaxweyne Uhuru Kenyatta; ayaa illaa hadda codadka la tiriyey uga horreeya hoggaamiyaha xisbiga NASA; Raila Odinga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta; ayaa illaa hadda codadka la tiriyey uga horreeya hoggaamiyaha xisbiga NASA; Raila Odinga.
Uhuru Kenyatta; ayaa ku hoggaaminaya tirada codadkii ugu dambeeyey ee tiradoodu soo baxday 1:00am; codad gaaraya 5,602,722 (Shan milyan Lix boqol iyo laba kun, todobo boqol labaatan iyo Laba, halka ninka sida weyn ula tartamaya ee ka socda xisbiga NASA; Raila Odinga uu hayto codad ay tiradoodu gaareyso4,462,244. (Afar milyan afar boqol lixdan iyo laba kun; laba boqol afarta iyo afar cod)
Uhuru Kenyatta; ayaa ku ololeynaya haddii la doorto wareeg 2aad; in uu ka shaqeynayo nabadgelyada Kenya iyo la dagaalanka ururda wada dagaalka ka dhanka ah kenya; kuwaas oo ay ku jirto xarakada Alshabaab.
Ka qaybgalayaasha kale ee tartanka doorashada madaxtinimo ee Kenya ayaa iyaguna helay tiro codad ah; kuwaas oo sidan hoose u kala haysta tirada codadka illaa iyo hadda la tiriyey:
- Joe Nyaga;ayaa haysta 24,957 (labaatan iyo Afar kun sagaal boqol Konton iyo todoba;
- Abduba Dida; ayaa haysta (17,806), cod
- Ekuru Aukot (17,605; cod
- Japheth Kavinga (7,485), cod
- Cyrus Jirongo (7,171); cod
- Halka uu Michael Wainaina; ka haysto 5,541; cod
Qiyaasta dhanka codadka ee ugu dabeysa ee uu soosaaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Kenya ayaa muujisay in labada hoggaamiye ee loolanka adag ka dhexeeyo aanay si weyn u kala fogeyn, waxaana laga yaabaa sida laga soo xigtay in tirinta codadku ay natiijo hordhac soosaarto maanta oo Arabaco ah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | kena
_______________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________