____________________________________________________________________________
|
Muqdisho | QOL | August 2, 2017— Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa ka digay Amar kasoo baxay dowladda Sacuudiga in uu sameyn ku yeelo karo Soomaalida kunool dalkaasi.
Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay soo saartay amar cusub oo ah in dadka Ajnabiga ee dalkaasi kunool lacag laga rabo saddexdii biloodba mar.
Xildhibaanka wuxuu intaa raacsiiyay in dadka Soomaaalida ah aysan bixinkarin lacagtaasi ,isla
markaana qoysas badan oo danta yar ah ay kunool yihiin dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Dalxa ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta sidaas darteed Sacuudiga laga rabo in xukunkaasi uu ku rido dadka ka yimid dalalka aan ka mid aheyn Jaamacadda Carabta oo ajnabiga ah.
Mudane Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, wuxuuna sheegay in ay ka shaqeyn doonaan in xal loo helo dadka ku nool Sacuudiga kuwaas oo an bixin karin lacagta laga rabi-doono.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________
Advertisement