2421 Views

Guddoonka golaha shacabka oo shaaciyey in la fasaxay miisaaniyadda ciidammada inta doodu socoto

Guddoonka golaha shacabka oo shaaciyey in la fasaxay miisaaniyadda ciidammada inta doodu socoto
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | August 2, 2017 – Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto Dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.

Hoos Ka Daawo Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go’aankani uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 01 August 2017 sababta go’aankaas loo qaatayna ay tahay inaanay marna hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd raashiinkooda,adeegooda iyo mushaaraadkooda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Wasiirka Maalliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa la faray iney fuliyaan go’aankaas oo ah go’aan kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama aanay ciidammadu sugi karin inta ay soconeyso Dooda Golaha Shacabku ka doodayo Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment