Muqdisho | QOL | August 1, 2017—Gaari nuuca Rakaabka qaada ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu Rasaaseeyay Duleedka degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu yaraan 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Gaarigaasi ayaa ku geeriyooday 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen Rasaasta la huwiyay Gaarigaasi.
Waxaana Gaarigaan Rakaabka siday oo lagu Rasaaseeyay Tuulada Maxaas Cali uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho sida uu Qaranimo.com u xaqiijiyay mid ka mid ah Rakaabkii Gaarigaas.
Ma jiro wax war ah oo Maamulka Hirshabelle ay ka soo saareen Gaarigaasi dadka Rakaabka sida ee lagu Rasaaseeyay Tuulada Maxaas Cali oo qiyaastii 5 Km u jirta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Duleedka Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sii kordhayay indhawaanahaan Kooxaha ku labisan Dareeska Ciidamada dowladda ee Gaadiidka dadka shacabka ah ay saaran yihiin halkaas ku dhibaateeya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________