Muqdisho | QOL | July 29, 2017—Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maalmaha soo socda in degaanada Galmudug ay tagi doonaan diyaarado.
Waxa uu sheegay in 2 diyaaradood ay tagayaan degaanada Galmudug isla markaana shacabka ay u geynayaan gargaar kala duwan.
Waxa uu xusay shacabka Galmudug in ay yihiin dad dhibaateysan oo Colaad iyo abaaro isugu darsan tahay.
Madaxweynaha ayaa horay u sheegay in Abaaro daran ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dadkii kunoolaa ay barakaceen.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________