Muqdisho | QOL | 25 Luulyo 2017 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa qeybta horumarinta ee laanta haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Faadumo Dayib Qaasim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku jira Baarlamaanka waxaana kulanka oo ay goobjoog ka ahayd Guddoomiyaha haweenka ee Baarlamaanka.
Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku bogaadiyay howsha ay u heyso haweenka Soomaaliyeed, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in Gabar Soomaaliyeed ay ka mid noqoto madaxda laanta haweenka ee Qaramada Midoobay.
Dhinaca Kale qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulamo ay kaga hadlayeen qorshe howleedkooda ,waxaana Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arimaha garsoorka iyo awqaafta uu maanta la kulmay wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Shariif Sheekhquna -Maye ,waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________