Muqdisho | QOL | 23 Luulyo 2017 —Wefigan ka socda jaziiradda Seychelles ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha arimaha dibadda, waxayan la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya
Kulankan ay wada yeesheen R/wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee jaziiradda seychelles, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiirka Kalluumaysiga khayraadka Badda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Labada dowladood Arrimaha la xariira Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles iyo la dagaalanka Burcad Badeeda.
Barry faure Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Seychelles oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dib u soo celinta maxaabiista ku xiran Seychelles iyo dalalka kale.
Bilowgii Bishan Luulyo ayaa R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Seychelles,iyagoo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista Soomaalida isla markaan heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday halkaas.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________