Muqdisho | QOL | 17 Julay 2017 – Degmada Burtinle 100 Dolar waxaa lagu safirayay afar malyan oo shalinka soomaali ah waxaana taasi ay keentay in shacabkii ay dhigaan dibad baxyo rabshada wadta oo ka dhacay gudaha degmada Burtinle taasi oo keentay dab la qabadiiso Xurumo Gancsi oo gaar loo leeyahay.
Gudoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in in Ganacsatada iyo Maamulkaba ay Xal ka gaareen qiimaha Sarifka lacagta shilin soomaaliga ooo sare u kacday.
Waxa uu sheegay in aan la isticmaali Karin lacago been abuur ah kuwaas oo lagu soo sameeyay qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe ee dalka soomaaliya,cidii lagu arkaana talaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba Shacabka ku nool degmada burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa aad usoo dhaweeyay talaabadaan uu qaaday maamulka degmda Burtinle ee Gobolka Nugaal.
.
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka |Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________