Muqdisho | QOL | July 01, 2017—Cutubyo si gaar ah loo tababaray oo katirsan ciidamada dawladda Puntland ayaa subaxnimadii horre ee saaka 30 June dil toogasho ah ku fulisay 7 nin oo katirsanaa kooxda Argagixisada ah ee DAACISH & Al- Shabaab.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sidda ayaa faahfaahin ka bixisey, waxaana la xaqiijiyey in ay gacan ka geysteen dilal iyo qaraxyo waa weyn oo ay geysteen.
Maxkamadu waxay cadeysay in dadkan hadda ay dhadhamiyeen Cadaaladda, oo ay dawladdu ku fulisay dilkii ay geysan jireen mid la mid ah.
Waxaa ku jira nin ka dambeeyey dilka 23 masuul oo ay ku jiraan madax kala duwan, kana geystay magaalada Gaalkacyo
Magacyaddan dadkan la dilay maanta ayaa kala ahaa.
- Cabaas Ibraahim yarre Aaden
- Ibraahim Maxamed Canshuur Axmed,
- Dhaqane Aadan Cabdi Xasan
- Aadan Nuur Aadan Cali
- Nuur Cabdi Aadan Isaaq
- Cabdulqaadir Maxamed Cali
- Cabdixakiim Xasan Xaamud
Halkan J a Dhagayso
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________