Muqdisho | QOL | June 19, 2017— Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.
Sarkaalkan Shabaabka ah ee la qabtay ayaa waxaa lagu magaacabaa C/waaxid Khaliif Axmed (Ciise Tarbuun), kaasi oo lagu qabtay suuqa Bakaaraha.
Halkan Ka Dhagayso
Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo bandhigi Sarkaalkan ka tirsanaa Shabaab ee magaalada Muqdisho lagu qabtay.
Saraakiisha Ciidanka NISA ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkan, waxaana hada ku socota baaris.
Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaalla Bartamaha caasimadda.
.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________