Muqdisho | QOL | June 18. 20117—–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Weerar culus ku qaadeen Al-Shabaab.
Weerarka ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku yaalla duleedka Magaalada Buuloburde.
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Jabuuti ,islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen.
Sida ay sheegeen dadka degaanka Al-Shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray Saldhiga, waxaana ay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Jabuuti.
Isgaarsiinta oo Magaalada ka maqan, ayaanan si dhab ah loo ogaan karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Buulo burde
.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________