Muqdisho | QOL | June 14, 2017Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Saxaafadda u sheegay in howlgallada ka socda Muqdisho lagu xaqiijinaayo Ammaanka , islamarkaana lagula dagaalamaayo Al-Shabaab.
Waxaa uu ku hanjabay in howlgalladaasi la sii xoojin doono tan iyo inta dagaalyahanada Al-Shabaab laga saarayo Soomaaliya.
Halkan Ka Dhagyso
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale xusay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay garab taagan yihiin ciidamada howlgallada wadda ,islamarkaana ay la Afuraan.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo xooggan waxa ay ka waddeen Magaalada Muqdisho.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________