Muqdisho | QOL | June 14, 2017—–Wasiirka Wasaaradda Gaanshaadhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa VOA u sheegay in dhalinyaro ka badan 50 ay isku dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay isasoo dhiibeen tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in cafis loo fidyay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in dhalinaradaasi badankood ay iska soo dhiibeen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Labadii ugu dambeysay ayaa Shalay isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Laanta Buuro.
Halkan Ka Dhagayso
Wasiirka ayaa sheegay in dhaqan celin iyo nolol wanaagsan ay u sameyn doonaan dhalinyarada kasoo baxda Al-Shabaab.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________