Muqdisho | QOL | June 13, 2017— Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kormeer howleed ku tegay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada xasilinta amniga caasimadda, waxaana wafdiga hogaaminayay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.
Kormeerka ayey mas’uuliyiinta ku tageen baraha koontaroolada ee laga soo galo caasimadda iyo kuwa kale ee yaala faras magaalaha Muqdisho.
Ugu horeyn qaar ka mid ah saraakiishii iyo askartii ku sugnaa koontaroolada ay kormeereen Wasiirada ayaa mas’uuliyinta uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha lagu xaqiijinayo Nabadgelyada Caasimadda
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalka ay ku tegeen baraha ay ku suganyihiin ciidamada ay tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa ciidamada ku shaqada leh xaqiijinta Nabadgelyada caasimadda.
,
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________