Muqdisho | QOL | June 13, 2017——Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Baadiyoow ayaa sheegay in Shacabka Magaalada Baladweyne iyo waliba Gobolka Hiiran ay heysato dhibaato ay gacantooda ku sameesteen taas oo dhibaatadii ka dhalatay ay weli taagan tahay.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in la doonayo in Shacabka Gobolka Hiiraan in ay gacanta isqabsadaan isna cafiyaan si looga gudbo dhibaatoyinka mudada faraha badan heysata Shacabka Baladweyne iyo guud ahaan gobolk Hiiraan.
Ugu dambeen waxa uu sheegay in ka maamul ahaan uu diyaariyay qaabkii uu ula Shaqeyn lahaa Shacabka Gobolka hiiraan islamarkaana dhankooda laga doonayo in ay kala Shqeeyaan dhinac walba.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________