Muqdisho | QOL | June 07, 2017 — Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxa uu dhagax dhigay Xarun heer Federaal ah oo laga dhisaayo Magaalada Kisamayo.
Xaruntaan ayaa waxaa Xafiisyo kala duwan ka dhex sameysan doona Wasiirada Dowladda Soomaaliya si ay ugu Shaqeeyaan Shacabka ku nool gobolada jubbooyinka,waxaana tani ay jawaab u tahay hadalkii Xafladii Caleemo-Saarka ee Madaxweyne Xaaf uu Axmed Madoobe,ka sheegay ee ahaa in dowlada ay Xarumo ka furato Xarumaha maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xaruntaan ay muhiim u noqon doonto Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland islamarkaana ay ka heli doonaan wixii ay uga baahdaan dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo,ayaa habeenkii labaad ku hoyan doona Magaalada Kismaayo,isagoo Maanta ilaa Caawa siiwadi doono kulamo uu la yeelanayo madaxda Jubbaland iyo Bulshada Kismaayo
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________