Muqdisho | QOL | June 04, 2017 ——owladda Soomaaliya ayaa markale ku hanjabtay in ay sii balaarinayso qorshaha hub ka dhigista ee Magaalada Muqdisho ay ka waddaan ciidamada loogu magacdaray Xasilinta Caasimadda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariiso oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta Caasimadda.
Yariisow ayaa sidoo kale hadlay Cabashada ay ka muujiyeen Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee howlgalka hubka ka dhigista , isagoona ay sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadkaasi dhagaha ka fureysan doonto.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay muddo ka gaaban ku xasiliso Ammaanka magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid Siyaasiinta sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa siweyn uga soo horjeestay qorshaha
halkan ka dhagayso
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________