Muqdisho | QOL | June 01, 2017——– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa howlgal Isbaaro qaadis ah waxa ay ka wadaan tuulooyin hoostaga degaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo maalmihii u dambeeysay dadka ku nool ay ka imaaneyso cabasho ku aadan in ay la kulmayaan dad mararka qaar wadada u galaya.
Ciidamada ayaa howlgalada waxa ay ka wadaan inta u dhaxeysa Diyaaradaha Diyaaradaha Bali-Doogle iyo deegaanka leego ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose Abuukar Isxaaq(Alcadaala) oo la hadlay Q.O.L ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid ay ku qaadayeen isbaarooyin ay dhigteen Kooxo Burcad ah kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin intii ay howlgalka wadeen ka hortimid islamarkaana ay ku guuleesteen in ay qaadaan Isbaarooyinkaas.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________